Wasiirka difaaca oo ka hadlay sida loo soo celin karo amniga Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka cusub ee Wasaaradda difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan shaqooyinka culus ee horyaalla iyo qaabka uu u wajihi doono.

Mursal oo xilkan shalay loo magacaabay ayaa sheegay in culeyska uu saari doono dib u dhiska ciidamada xoogga dalka oo dhinac walba ah, si ay usoo celiyaan sharciga iyo kala dambeynta, sidoo kalena ugula wareegaan AMISOM mas'uuliyadda amniga dalka.

"Dhulka annagaa iska leh, difaaciisana annagaa nalaga rabaa, marka waa inaan isku diyaarinaa, oo buuxinaa goobaha AMISOM ay ka baxayaan," ayuu yiri Wasiirka difaaca Maxamed Mursal.

Wasiirka waxa uu xusay in Ciidamada qaranka ay u baahan yihiin in la dhex-istaago, lana siiyo xuquuqahooda kala duwan, sida mushaaraadkooda iyo agabka kale ee ay u baahan yihiin, si ay u gutaan mas'uliyadda saaran ee difaaca dalkooda.

Mursal waxa uu dhanka kale ka hadlay khibradiisa military, isagoo sheegay in uu leeyahay taariikh dhanka ciidanka ah, islamarkaana uu soo qabtay howlo kala duwan oo la xiriira militariga, taasina ay ka caawin doonto inuu guto shaqada Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka oo ah mudane katirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka JFS, lagana soo doortay Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa soo noqday Safiirka Soomaaliya ee Turkiga 2011 illaa 2015, isagoo Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid kasoo noqday Wasiirka Biyaha iyo Tamarta.

Magabaacista Wasiirka difaaca ayaa timid kadib safarkii uu Ra'iisul Wasaare Khayre u tagey todobaadkii tagey magaalada Baydhabo, kaasi oo salka ku hayay arrimo xasaasi ah oo shacabka lala wadaagin. Halkan ka akhri. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM