Wasiirka Gaashaan-dhigga Somalia oo magaalada Kismaayo tegey

Image

May 18, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland.

Wasiirka Gaashaan-dhigga ayaa Kismaayo u tagay barnaamijka isku dhafka ciidamada, kaas oo dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii dalku u yeelan lahaa ciidan qaran oo isku dhafan iskuna dheeli tiran.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay Wasiirka  ku gacan siin doonaan isku dhafka ciidamada, isagoo dhinaca ku ammaanay dadaalkii dheera uu Wasiirku usoo galay dib u xoreynta gobollada Jubbooyinka xiligii ay socdeen dagaalladii u dhexeeyay kooxda Al-shabaab iyo Ciidamaddii Huwanta ee xoreeyey qaybo kamid ah gobollada Jubbooyinka.

Ugu danbeyn, Mudane Diini, ayaa sheegay in Soomaaliya waqtigan ay ka gudbayso ciidamadii magacyada kala duwan lahaa isla markaana u gudbayso ciidan qaranku leeyahay kuwaasoo bulshada qeybaheeda kala duwan ay ka dhex muuqan karaan.

“Maanta waxaan usoo gaaray magaalada Kismaayo, barnaamijka isku dhafka ciidamada oo ah mid muhiim noo ah, intaan joogno magaalada Kismaayo waxaan is arki doonaa hoggaanka iyo qeybaha bulshada ee Jubbooyinka. Dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamullada dalku waxay horey u gaareen heshiis ku aadan dhismaha ciidan qaran oo isku dhafan, waana taas midda aan maanta halkan u imid dhamaystirkeeda" ayuu yiri.

Wasiirka Gaashaan-dhigga ayaa Kismaayo ku sugnaan doona muddo 10 cisho ah, waxana uu kulamo la qaadan doonaa qeybaha bulshada, si loo dhageysto dareenka shacabka.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM