Wasiirka Qorsheynta Somalia oo iibsaday Kursi kamid ah Gollaha Shacabka [XOG]

Image

MUQDISHO - Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah, 20-ka September shaaciyay inuu qabanayo doorashada Kursi ka banaanaaday Gollaha Shacabka.

Kursigan oo degaan doorashadiisu tahay gobolka Sanaag ee Puntland ayaa xildhibaan Dhahar Cali Faarax waxaa uu baneeyey kadib markii heshiis dhexmarey isaga iyo Wasiirka Qorsheynta dowlada Federalka Soomaaliya.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in Kursigan uu iibsaday Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre, Jamaal Maxamed Xasan, oo isku beel kasoo wada jeedaan Xildhibaan Dhahar.

Wasiir Jamaal oo kamid ah Wasiiradda aad ugu dhow Villa Soomaaliya ayaa wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo toos ugu lug lahaa wada xaajoodka lagu qancinayey beesha Dubays Warsangali oo Suldaankoodii ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafey magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan balan qaadey inuu bixinayo lacagta Wasiir Jamaal kula heshiiyey Xildhibaan Dhahar halka dhinaca kale xil laga siinayo safaarada Soomaaliya ku leedahay Jabuuti mudanaha ka dagaya kursigaan.

Golaha fulinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa aad ugu howlanaa sanadkii iyo Sideedii bilood uu xafiiska joogay sidii awood balaaran ugu yeelan lahaa golayaasha sharci dajinta gaar ahaan aqalka hoose ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya kasoo xukuumada siiya codka kalsoonida 

Golaha Wasiirada dowlada Federalka ayaa intooda badan RW Khayre waxaa uu ka soo magacaabey Xildhibanada aqalka hoose ee Baarlamaanka taasoo hoos u dhigtey madax baanidii golaha shacabka.

Wasiiradda Xukuumadda Khayre oo ka kooban 25 ayaa 74% ah Xildhibaanno iyadoo qorshaha Villa Somalia la sheegay inuu yahay in kuwa dhiman oo Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan ku jiro hadda loo iibinayo kuraasta ay ku fadhiyaan xubnaha ay isku beesha yihiin.

Nidaamka doorasho ee Soomaaliya ayaa la filayaa inuu noqdo mid ku saleysan xisbiyada badan iyadoo madaxda hadda joogta Villa Somalia ka shaqeynayaan sidii xukunka mar kale ugu soo noqon lahaayeen. 

Soomaaliya ayaa 20kii sano ee lasoo dhaafay safka hore uga jirtay liiska dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India oo taageertay midnimada Soomaaliya, xilli ay iska fogaysay aqoonsiga Somaliland

Go’aankan ka soo baxay Hindiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad diblomaasiyadeed ka jirto Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 12:42PM

Shiinaha oo ka hadlay dib u dhaca booqashada Wasiir Wang Yi ee Muqdisho

Bayaan ay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho soo dhigtay fiidnimadii Jimcaha, ayay Beijing ku sheegtay in la beddelay jadwalkii safarka Wang Yi.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 07:36AM