Wasiirka warfaafinta DF Somalia oo ka hadlay falkii Bariire

Image

Eng Yariisow Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, wuxuu ku qoray bartiisa bulshada "Dowlada Federaalka ayaa wada baaris dhab ah ee la xiriira falkii Bariire ka dhacay oo shacabka la wadaagi doonta macluumaadka dhabta ah"

Ugu yaraan 10 ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay weerar ay Ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Mareykanka ay ka fuliyeen saaka oo Jimco ah deegaan ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Cali Nuur Maxamed, Gudoomiye Kuxigeenka maamulka gobolka Shabellaha Hhose ee dhinaca Amniga, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in weerarka, kaasi oo ka dhacay Beer ku taalla deegaanka Bariire, oo qiyaastii 40KM dhanka galbeed uga beegan Muqdishu. Wuxuu Cali sidoo kale u sheegay GO in Ciidamada Mareykanka ay beertaasi ku dhex dileen 10 nin oo waardiye ka ahaa Beerta, kadibna ay horey u sii kaxeysteen tiro kale, oo ay ku qaateen Diyaaradaha Helicopters-ka.

Faahfaahin warkaan Halkaan Ka Akhri 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM