Wasiirkii Amniga Jubbaland oo laga qabtay madaarka Aadan Cadde

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan, ayaa maanta oo Sabti ah, laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sidda ay Garowe Online ogaadey.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayan in Mr Janan oo lagala wareegay telefoonadiisa iyo agabkiisa lagu xiray xarunta nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano Habar Khadiija.

Janan oo ka yimid magaaladda Doolow halkaasi oo saraakiil ka tirsan dalka ciidamada Itoobiya uu kula soo kulmay ayaa wuxuu kusii jeeday Addis Ababa, caasimada waddanka Itoobiya.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa nan wali illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin xariga Janan, kaasi oo markii ugu dambeysay caasimadda horaantii sanadkan 2019-kii.

Dhinaca kale, warar hoose oo uu GO helay ayaa tibaaxaya in diyaarad maanta tegi lahayd Kismaayo kana soo bixi lahayd Nairobi la baajiyey guud ahaan duulimaadkeeda.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo dhowaan dowladda Soomaaliya ay ku amartay diyaaradaha tegaya caasimada KMG Jubbaland in ay soo maraan magaala madaxda si loo hubiyo.

Banaanbax looga soo horjeedo go'aankaasi ayaa maanta ka dhacay xarunta gobolka Jubadda Hoose, iyadda oo dibad-baxayaasha ay codsanayeen in la qaado "go'doomintaasi".

Xiriirka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya ayaa dhowaanhaba ahaa mid aanan wanaagsaneyn, waxaana uu hoos ugu sii dhacay kadib doorashadii uu kusoo baxay Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM