Cawad oo diidey xil loo dhiibay lagana eryay Wasaarada Arrimaha Dibadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wuxuu eryay wasiirkii arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad, isagoona ku bedelay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Wareegtadda xilka looga qaadey Cawad oo si lama filaan ah kusoo baxdey ayaa waxaa telefishinka ku hadla afka dowladda federaalka ka akhriyey Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Dubbe.

Sidda ku xusan digreetadda ku taariikheysan 19-ka November, 2020, Cawad ayaa loo magacaabay danjire, wallow aanan lasoo bandhigin waddanka uu ku metelayo Soomaaliya.

Hasayeeshee, danjire Cawad oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareegaha Facebook ayaa ku gacan-seyray jagadda safiirnimo ee la sheegay in loo magacaabay.

"Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa. Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna," ayuu yiri.

Illaa haatan lama ogga sababta dhabta ah ee keentay xil ka qaadista Cawad, balse waxay imaaneysaa saacado kadib markii qoraalo kala duwan ay kasoo baxdey wasaaradda uu maamuli jiray.

Qoraalka koowaad waxaa taageero ugu muujiyey dowladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta jabhadda TPLF, halka qoraalka labaad uu ku sheegay in bayaankaas uusan ka turjumeyn mowqifka dowladda.

Masuulka cusub ee jagada wasiirka arrimaha dibadda loo dhiibay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa lataliyeyaasha madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cawad oo xilka wasiirka arrimaha dibadda loo magacaabay bishii November, 2018-kii ayaa wuxuu horey u soo noqdey safiirka Soomaaliya u qaabilsan waddanka Mareykanka, halkaasoo sanado badan uu ka haqeyneyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM