Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo geeriyooday iyo Khayre oo ka hadlay
MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, wasiirkii dastuurka Soomaaliya, ayaa maanta oo Jimco ah ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaaladda Dubai ee Isu tagga Imaaraadka Carabta.
Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka waxbarashada xukuumada federaalka ah oo ku sugan Dubai, kaasi oo xaqiijiyey dhimashada Marxuum Xoosh ayaa sheegay in ay ka dambeysay markii uu xalay kusoo booday xanuun deg deg.
Wasiir Cabdullaahi oo aan shaacin nooca xanuunka ayaa intaasi ku daray in meydka Xoosh loosoo qaadi doono magaalada caasimada ah ee Muqdisho si aas-qaran loogu sameeyo.
"Waxaanu u nimid Dubai si aan uga qeybgalno arooska gabar uu dhalay C/raxmaan XooshJibriil, nasiib daro xanuun ayaa xalay kusoo booday, taasoo uu ugu dambeyntii ugu dhintay Isbtaalka, ALLE ha u waasiciyo qabrigiisa," ayuu raaciyey Wasiir Goodax.
Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsi ka diray geerida naxdinta leh ee ku timid Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, isagoo sheegay in uu muragada la wadaagayo ehelka iyo asxaabtiisa.
"إنا لله وإنا إليه راجعون Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo eheladii uu ka baxay Wasiirkii Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Marxuumkana waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo," ayuu yiri Khayre.
Si lamid ah, mas'uuliyiin kale oo uu ku jiro Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo Xildhibaano ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, Qaraabada, asxaabta iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Wasiirka.
Alle ha u naxriistee, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa siyaasi caan ah ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii dalka soo maray, isagoo mudo labo jeer ah soo noqday Wasiirka Dastuurka.
GAROWE ONLINE