Wasiirkii hore ee Amniga oo jawaab kulul ka bixiyay Dacwad ay NISA ka gudbisay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa gaashaanka u daruurey eedeymo ay usoo jeedisay hay'adda Nabad Sugida dowladda Federaalka [NISA].

Cabdirisaaq oo ah Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka ayaa ku tilmaamay eedeymaha NISA dayaacad raqiis ah, oo la doonayo in isaga lagu cabsi geliyo, waxaana uu iska fogeeyay inuu lunsadey dhaqaale loogu talo-galay hay'addan xilligii uu Wasiirka ahaa.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay in NISA ay hadda noqotay mid hogaankeeda gacanta u galay shaqsiyaad xiriir dhaw la leh Al-Shabaab, kuwaasoo lagu aaminay amaanka dalka.

Jawaabtan ayaa timi kadib markii NISA ay shaacisay shalay inay hakisay qandaraas uu mas'uulkan saxiixay 2015-kii, kaasi oo la siiyay hay'adda fadhigeedu yahay Muqdisho, oo shaqooyin dhanka loojististikada u qabaneysay hay'addan sirdoonka DF.

Heshiiskan oo ku kacaya lacag dhan 9 milyan oo dollar ayaa waxay NISA sheegtay in gebi ahaantiisa ay joojisay, islamarkana kiiskiisa uu gubisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, iyo kuwa kale ee khuseeyo si baaritaan loogu sameeyo.

Dib usoo cusbooneysiinta kiiskan ayaa kusoo beegmaya xilli Wasiirkii hore ee amniga, ahnk mudane katirsan Baarlamanka uu ku biiry siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM