Wasiiro hore oo laga dalbadey iney gawaari celiyaan

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray qoraal looga dalbanayo gaadiid ka maqan hey'addaha dowladda oo ay horay u qaateen Wasiiro xilal hayay iyo xubno kale.

Liiska la soo saaray ee Wasiirada gaadiidka ku maqan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Senatar Ayuub Ismaaciil oo gaari ka diiwaan gishan Wasaaradda Maaliyadda ku maqan iyo xubno kale.

Gadiidka ay la tageen mas'uuliyiinta dowlada Federaalka xilalka horey uga qabtey ayaan inta badan dib u soo celin gaadiid ay horey u qaateen.

Talaabada gadiidka looga celinayo Wasiirkii hore ee arimaha dibada ayaa xubno ku dhow Villa Somalia waxay u sheegeen waqtiga amarkaan ku soo beegmey ineysan ka fogeyn arimo siyaasadeed.

Halkaan ka eeg amarka Hantidowrka: https://bit.ly/3qQ2cvv

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM