Wasiiro ka degay Jowhar xili ay jirto xiisad ka dhalatay fashilka Imtixaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi ay horkacayaan wasiirada amniga iyo waxbarashada xukuumada federaalka ah ayaa maanta oo Sabti ah ka degay magaaladda Jowhar, xarunta maamulka HirShabelle.

Maxamed Abuukar Islow iyo Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa la filayaa in ay kulan la yeeshaan hogaanka ugu sareeya dowlad goboleedka HirShabelle.

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa sidoo kale qayb ka ah wafdiga oo garoonka caasimada goboleedka Shabeellaha Dhexe ay kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin.

Wali lama shaacin ujeedka booqashada lama filaanka ah ee wafuudaan ay ku gaareen magaaladda Jowhar, inkasta oo ay kasoo baxayaan warar horudhac ah waxa uu ku qotomo.

Illo wareedyo ayaa tilmaamaya wasiirada ay ku baxeen qaboojinta xiisad culus oo ka dhalatay Imtixaankii fashilmay ee dowlada federaalka ah kaasi oo la laalay, isla markaana dib loo galayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas'uuliyiinta ayaa isku deyaan in ay ku qanciyaan madaxda HirShabelle in ay ka qaybgalaan Imtixaanka dib loo qaadayo, maadaama mar sii horeysay go'aan uga soo baxay.

Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha HirShabelle, oo faray kormeereyaasha dowladdu soo dirtay in ay ka baxaan degaanada maamulkaasi ayaa shaaciyay in Imtixitaanka ay iyaga maamulan doonan.

Waare ayaa magacaabay Guddi kasoo talo bixiya arrimaha Imtixaanaadka, kaasi oo Jimcadii la kulmay bahda waxbarashada, iyaga oo kala hadlay arrimo quseeya sidii loo qaadi lahaa.

Mas'uuliyiintan ka degay magaaladda Jowhar ayaa degaan doorashadoodu waxay tahay HirShabelle, waxayna xukuumada u muuqataa mid adeegsanaya siyaasad xeeladeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM