​Wasiirrada Somalia oo ku shiraya meel ka baxsan Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Gollaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa la filayaa inay Todobaadkan Shir ku yeeshaan markii ugu horeysay meel ma baxsan magaalada Muqdishu.

Mas’uul katirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in Shirka xukuumadda Todobaadkan uu ka dhici doono Kismayo Khamiista soo socota.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Gollahiisa Wasiirada ayaa maalmaha soo socda la filayaa in ay u ambabaxayaan magaalada Kismaayo, halkaasi laga dareemayo diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ay adkeeyeen ammaanka guud ahaan magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda.

Wali lama shaacin Ajandaha looga hadli doono Shirka ka dhacaya Kismaayo.

Shirka Gollaha Wasiirada ee ku qabsoomi doona Ksimaayo ay xigi doonaan shirar kale oo Wasiirada ay ku yeelan doonaan xarumaha maamul goboleedyada, sida Garoowe, Jowhar, Baydhabo iyo Cadaado.

Lama oga Ujeedka uu ka leeyahay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre inuu Shirka Gollaha Wasiirada ku qabto magaalooyinka, Caasumadaha u ah maamul goboleedyada, oo aan horey looga baran arintan.

RW Kheyre ayaa lagu dhaliilay inuu waqtiga Xukuumadda uu hogaamiyo ku bixiyo booqashada Goobaha Bulshada, Xafiisyada dowladda, iyadoo ay horyaallaan arrimo dalka iyo dadka muhiim u ah, sida amniga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM