Wasiirrada Somalia oo la dhaariyay

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa xarunta golaha Barlamanka Federaalka Somalia ee magaalada Muqdishu lagu dhaariyay golaha wasiirrada dalka, kuwaasoo wax yar uun ka hor helay kalsoonida golaha shacabka.

Gudoomiyaha Maxkmada Sare ee dalka Somalia, ayaa dhaariyay xubnaha wasiirrada.

Madasha Dhaarinta waxaa joogay Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre oo khudbad uu jeediyay maanta kahor intaan la ansixin wasiirrada ku sheegay inay diyaar u yihiin u adeegista shacabka iyo wax ka qabashada xaaladda adag ee lagu jiro.

Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Shiikh ibraahim Muudey, ayaa golaha xukuumadda kula dar-daarmay inay kasoo baxaan waajibaadka qaran ee loo dhiibay.

Wuxuu ugu hambalyeeyay kalsoonida ay ka heleen Xildhibaanada Somalia.

Muudey ayaa intaas ku daray in wasiirrada looga fadhiyo sidii ay uga soo bixi lahaayeen ballan qaadka Ra’isal wasaare Khayre.

Dhaarinta xukuumadda cusub ayaa kusoo aadaysa xilli dadweynuhu aad u hadal hayeen in Barlamanku aqbali doonaan xukuumaddan maadama qoraal ay ku saxiixanyihiin in kabadan 100 mudane loo gudbiyay Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM

UK iyo Maraykanka oo Ka Digay Jabsi Ka Dhacay Nidaamka E-Visa-ha Soomaaliya

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin faahfaahinta jabsiga ama tallaabooyinka la qaadayo.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 11:20AM