Wasiiru-dowle heer federaal oo loo doortey Senator

Image
Aadan Cabdinaasir Maxamed ayaa noqdey Senatorkii saddexaad ee maanta lagu doortey caasimada Baydhabo. [Photo: KGSTV]

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha dowlada federaalka Aadan Cabdinaasir Maxamed, ayaa noqdey Senatorkii saddexaad ee maanta lagu doortey caasimada Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka oo Xildhibaanadiisu coddeeyeen, Aadan ayaa 80 cod kaga adkaadey Maxamed Aadan Xasan oo ay u coddeeyeen 6, waxaana xumaadey 6 cod.

Aadan oo ay qaraabo yihiin hogaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa hadaljeedin uu ka sameeyay goobta coddeynta ayaa ka dhawaajiyey in uu ku shaqeyn doono aragtida maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

"Waad ku mahadsan tihiin aqlabiyadda aad ugu doorateen. Waxaan idin balanqaadayaa in aanan dhinac uga leexan doonin siyaasadda Koonfur Galbeed," ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Intii ay socotay hadaljeedintiisa, Aadan ayaa caddeeyay in uusan wajahin loolan badan. Hase ahaatee, wuxuu hoosta ka xariiqay in uu rajeynayo in uu kasoo dhalaalo metelaadda degaankiisa.

Waa kuma Aadan Cabdinaasir Maxamed?

Waa markii ugu horeysay oo uu kamid noqdo baarlamaanka federaalka. Sidoo kale, waa guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka.

Ololihii madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayuu kaalin weyn ka cayaaray. Doorashadii Laftagareen kadib wuxuu noqdey madaxa hab-maamuska madaxtooyada.

Kursiga uu haatan ku fariisinayo oo tarisigiisu yahay UH#003 waxaa 4-sano ee la soo dhaafay uu ku shaqaynayay Xuseen Sheekh Maxamuud oo sheegay in uu eersaday fekerkiisa madax-banaan.

Xuseen oo ah gudoomiyaha guddiga dastuurka ee laba aqal ee Baarlamaanka faderaalka Soomaaliya ayaa sidoo kal wuxuu xubin ka yahay xisbiga uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ee Midowga Nabada iyo Horumarka.

Inkasta oo aysan jirin cid si madax-banaan u xaqiijineysa, musharaxa la tartamay Aadan ayaa ahaa darawalka guuleystaha. Hadaljeedin kooban oo uu ka sameeyay goobta coddeynta ayuu ugu hambaleeyay sharci-dejiyaha cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM