Wasiiru-dowle loo xil-saarey arrimaha doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xil sare lana xiriira arrimaha doorashooyinka 2020-21 wuxuu u magacaabay wasiiru-dowlaha xafiiskiisa.

Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa, sidda ku xusan war-saxaafadeedka, wuxuu Rooble u wakiishay in uu dardargeliyo arrimaha ku aadan coddeynta heer Qaran ee loo balansan yahay.

"Hadaba, wasiiru-dowlaha xafiiska Ra'iisul Wasaaraha wuxuu mas'uul ka yahay isku-xirka iyo wadashaqeynta xukuumadda JFS, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, Hay'addaha Caalamiga iyo dhamaan howlaha la xiriira habsami socodka howlaha Doorashooyinka," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Magacaabidan ayaa imaaneysa xilli is-faham-waaga ka taagan doorashooyinka uu culus yahay isla markaana dedaaladii ugu dambeeyay ee xalka loogu goobayey uu fashil kusoo dhamaadey.

Ma cadda talaabada xigta ee la qaadi doono. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay in uu isku dayo in uu miiska wadahadalka isugu keeno dhinacyada is-diidan.

Inkasta oo maamulkiisa u jaranjeero Villa Soomaaliya, haddana musharaxiinta ayaa horey u sheegay in aysan Laftagareen kaligii ku haleyn doonin xalka ayna dhankooda ka dedaali doono.

Beesha Caalamka oo xalay war-saxaafadeed soo saartey ayaa daaha ka rogtay in aysan aqbaleyn isbedel lagu sameeyo heshiiskii September isla markaana wadahadal ugu yeertay hogaamiyeyaasha dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka bayaanka

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM