Waxgaradka Hiiraan oo ka horyimid in Muqdishu laga soo xulo Xildhibaanadooda

Image

MUQDISHU, Somalia- Dood xoog leh ayaa ka taagan tallaaba ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Dadban ee Dowladda Federaalka Somalia, kuwaasoo maanta sheegay in Xildhibaanada gobollada  Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee Baarlamaanka Federalka laga soo xuli doono magaalada Muqdishu.

Gudoomiyaha guddigaasi Cumar Cabdulle Dhagey ayaa tilmaamay in magaaladda Muqdisho lagu qaban doono doorashada xildhibaanada Baarlamaanka ee gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Mudane Cumar Dhagay ayaa sidoo kale xusay in odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ay si weyn u soo dhawaynayaan in Xildhibaanada Ka imaanaya labadaasi gobol lagu doorto magaalada Muqdisho.

Hadaba Arrintaas, waxaa si kulul uga hadlay waxgaradka ku sugan degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaasoo  qaadacay doonista Guddiga doorashada, waxayna wax lala yaabo ku tilmaameen tallaabada ay damacsanyihiin.

Kulan maanta Magaalada Beledweyne ku yeesheen Waxgaradka gobolka Hiiraan  ayay ku shaaciyeen inaysan matalin duubab 16 lagu sheegay oo shalay ku shiray Caasumadda Somalia kuwaasoo ka dambeeyay in guddigu go'aankan qaato.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ah duubabka shiray ee ku sugan Baladweyne, ayaa xusay inaysan raali ka noqon doonin Afduub lagu sameeyo Xildhibaanadooda, waxuuna wacad ku maray inay kasoo xulan doonaan gobolka Hiiraan.

Hadalladan, ayaa yimid xilli wali aan maamul loo samayn Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kaasoo uu hareeyay shirkii lagu dhisi lahaa khilaaf ka yimid dhinaca duubabka Hiiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM