Website-ka wasaarada ganacsiga oo dib hawada ugu soo laabtey

Image
Tani ayaa ka dambeysay markii uu u muuqdey in la jabsadey saacadihii hore ee xalay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Barta internet-ka ee wasaaradda ganacsiga Soomaaliya ayaa dib hawada ugu soo laabtay xilli saacadihii hore ee xalay uu u muuqdey in ay jabsadeen kooxo burcad ah.

Mas'uuliyiinta wasaaradda ayaan wax fahfaahin ah ka bixin dhacdadan. Isku dayo warsidaha Garowe Online u sameeyay si uu wax uga waydiiyo qadiyaddan ayaanan gabi ahaanba guuleysan.

Illaa haatan, lama ogga cidda dhabta ah ee ka dambeysay jabsashadda website-ka wasaaradda oo muhiim u ah dalka gaar ahaan ganacsatadda ku sugan gudaha dalka iyo dibaddaba.

Ciwaanka wasaaradda ee barta internet-ka waa www.moci.gov.so. Markii fariimaha jabsashada soo ifbaxdey waxaa gabi ahaanba hawada laga saarey ciwaanka wallow hadda uu shaqeynayo.

Kooxaha jabsadey ayaa kahor inta aan hawada laga saarin waxay soo bandhigeen fariimo iyo qoraalo ay ku muujinayaan in ay guud ahaan la wareegeen maamulka mareegga.

Lama ogga haddii uu dhacay wadaxaajood kusoo dhamaadey is-faham ama haddii ay ahayd cilad farsamo oo qabstay mareega. Su'aalahan waa qaar kamid ah arrimaha ku gedaaman dhacdadan. 

Inta badan, wasaaradaha Soomaaliya ayaa ciwaanada ay ku leeyihiin internet-ka waxay u maamula Serves-ka u saaran shirkado gaar loo leeyahay maadaama uusan jirin mid dowladeed.

Tani ayaa dhabaha waxay u xaareysaa in ay shirkadaha oo aan la lahayn awood ay uga difaacaan kooxaha weerarka internet-ka kusoo qaada ay u nuglaadaan taasoo halis ku ah macluumaadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM