Weerar dhismaho sababay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaadey Saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Jaziira oo dhaca Koonfurta Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen Dadka deegaanka.

Weerarka oo kala dhacay labo waqti oo kala duwan ayaa kan hore waxaa lasoo wariyay Xalay saqdii dhexe, halka midka kale la sheegay inuu dhacay Barqinimadda maanta oo axad ah, islamarkaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ku dileen Afar Askari oo ka tirsan ciidamadda xooga dalka, kadib markii dagaal xoogan oo saacado socday ay kula galeen Saldhiga ku yaala deegaanka Jaziira ee duleedka Magaalo madaxda dalka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Milatariga dalka Soomaaliya, iyo Wasaaraddaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhiga. Balse, mas'uuliyiin si hoose ula hadlay Warsidaha Garowe Online waxay sheegeen inay wadaan Baaris.

Dadka degaanka ayaa tilmaamay inay maqlayeen daryenka iyo Jugta Rasaas culus oo labadda dhinac isdhaafsanayeen, islamarkaana ay socotay rasaasta wax ku dhow Hal saac.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmayaa saacado uun kadib markii war kasoo baxay Taliska ciidamada xooga dalka lagu sheegtay in howlgalo ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose ay ku burburiyeen Saldhigyo Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacayay dagaalo khasaarooyin kala duwan dhalinayay, kuwaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab, xili mas'uuliyiinta dowladda sheegayaan inay Shabaab cagta marin doonaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM