Weerar is-miidaamin oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Al-Shabaab ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeysay qaraxan jugtiisa ay cusleyd. [File photo]

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax weyn oo la sheegay inuu yahay ismiidaamin ayaa Jimcada maanta ah wuxuu ka dhacay nawaaxiga Isbitaalka weyn ee Madiina ee magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale, goobta weerarka laga soo wariyey ayaa waxaa ku dhow Villa Baydhabo, oo xarun u ah saraakiisha milatariga ee ku sugan magaala madaxda Soomaaliya.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ayaa warisay in is-miidaamiyaha uu yahay qofka kaliya ee ku nafwaayey "weerarkan foosha xun ee argagixisadda soo maleegtay".

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo xaqiijiyey dhacdada, ayaa qoraal uu soo saarey wuxuu ku caddeeyay in aysan jirin waxyeelo shacab soo soo gaartey.

"24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay," ayuu yiri.

Ma jirto cid si deg-deg ah u sheegatay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah ee laga soo tabiyo caasimadda waxaa looga bartey dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabsan weeraro ka dhici kara magaala madaxda kuwaasoo loo diray shaqaalaha hay'adaha caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM