Weerar ka dhacay magaalo dhawaan Al-Shabaab laga saarey

Image

JANAALE, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex qof oo uu ku jiro wiil 12 jir ah ayaa ku dhintay qarax ka dhacay degaanka Janaale oo katitsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsadey bam gacmeed lagu weeraray bar koontarool oo NISA ku leedahay degaanka xalay fiidkii, waxaana xigay qaraxa howlgal ay Ciidamada sameeyeen.

Wararka ayaa sheegaya in askarta ay toogasho ku dileen nin degaanka caan ka ahaa oo looga shakiyay inuu miino aasayay. Ma jirto wax sheegasho ah weerarka Janaale ee lagu dilay saddexda qof.

Janaale ayaa waxay kamid tahay dhowr degaan oo 2020 Ciidamada dowladda iyo AMISOM ka saareen Al-Shabaab, oo hadda la sheegay inay isku dayayso inay dib ula wareegto.

Gobolka Shabeellaha Hoose waa meesha ugu badan ay ka dhacaan dagaallada u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ciidanka DF oo kaabaya kuwa AMISOM, waxaana saldhig ku leh Mareykanka oo duqeymo cirka ah ka fuliya.

Al-Shabaab ayaa mudo ka badan 10 sano dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, iyadoo doonaysa inay dalka oo dhan la wareegto kadibna ay kusoo rogtay xukun adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM