Weerar lagu dilay Askari ajnabi ah oo ka dhacay Hiiran

Image

JALALAQSI - Weerarka oo loo adeegsaday Qarax nooca miinadda dhulka lagu aaso ah ayaa waxa uu ka dhacay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka iyo Goobjoogayaal.

Kolanyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika, gaara ahaan kuwa kasoo jeedda dalka Jabuuti ayaa inta la hubiyay waxaa ku dhintay Labo askari oo Soomaali iyo Jabuutiyaan ah.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in qaraxa oo ahaa mid xoogan sidoo kale uu jiro khasaaro dhaawac oo ciidanka soo gaarey, wallow aanan la xaqiijin karin tirada saxda ah.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in Kolanyadda weerarka qaraxa ah la kowsaday ay la socdeen saraakiil Soomaali iyo Jabuutiyaan isugu jira oo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka tirsan.

“Qaraxa wuxuu ahaa mid xoogan. Aniga waxaan arkay labo Askari oo mid Soomaali yahay iyo mid dharka AMISOM ku labisan oo meyd ah, dhaawacna wuu jiraa,” ayuu yiri Goobjooge u waramay Warsidaha GO.

Masuuliyiinta gobolka Hiiraan iyo kuwa degmadda ayaa ku eedeeyay weerarkaan inay ka dambeysay Al-Shabaab, inkasta oo ay ka gaabsadeen inay xaqiijiyeen dhimashada Askari Jabuutiyaanka ah.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan, balse, kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa inta badan dhabarka saarata falalka noocaan ah ee ka dhaca degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka.

Horaantii bishaan ayey ahayd markii Qarax miino lagula eegtay ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM duleedka magaaladda Jalalaqsi, kaasoo masuuliyadiisa ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM