Weerar lagu qaaday Saldhig weyn oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM

Image

QORYOOLEY - Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan weerar culus oo dabley ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin degmada Qoryoolay ee gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarka oo sababay iska hor-imaad toos ah oo dhex-maray ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho inay maqleen Daryenka Rasaas culus oo dhinacyadda ay is-dhaafsanayeen, waxaana ay tilmaameen inay socotay ku dhawaad Hal saac.

Kooxda Al-Shabaab oo war rasmi ah kasoo saartay dagaalkaan waxay tilmaamtay inay ku dishay 7 kamdi ah Askarta AMISOM, gaara ahaan kuwa u dhashay Uganda, uuna jiro dhaawac.

Al-Shabaab ma caddeyn hadii uu jiro dhinacooda khasaaro dhimasho ama dhaawac oo dagaalyahanadeeda kaga soo gaarey dagaalka ay la galeen ciidamada AMISOM.

Ma jiro illaa iyo haatan war rasmi ah oo saraakiisha AMISOM ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyo taliska guud ee Soomaaliya ee fidhigoodu yahay xeradda Xalane oo ay kasoo saareen sheegashadda Shabaab.

Dhinaca kale, wararka laga helayo inta u dhaxeysa tuulooyinka Lamber 60 iyo Ceelwareegow ee isla gobolka waxay sheegayaan in weerar dhabagal ah lagu qaaday Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM.

Kooxda Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkaas waxay sheegtay inay ku gaarsiisay Kolanyadda khasaaro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aysan carabaabin tiradda saxda ah.

Weeraradaan ayaa kusoo beegmaya xili dhowaan war kasoo baxay Taliska AMISOM lagu sheegay inay kordhin doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, si goobaha ka maqan gacanta dowladda dib ugu soo celiyaan kahor doorashadda 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM