Weerar lagu qaadey saldhiga ugu weyn Mareykanka ee Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia - Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaadey saldhig militeri oo ciidamada Mareykanka ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta Somalia.

Dhowr hoobiye ayaa lagu tuurey saldhiga Ballidoogle, oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka halkaas oo la rumeysan yahay inay ka duulaan diyaaradaha drones-ka ee duqeymaha ka fuliya degaanada Al-Shabaab maamusho.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in khasaarooyin uu ka dhasheen duqeynta lagu qaaday garoonka Melleteriga Ballidoogle, inkastoo aan la xaqiijin halka uu la egyahay khasaaraha.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa - AFRICOM kaasoo dusha kala socda howlgallada ciidamada American-ka ee qaaradda, gaar ahaan Somalia.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Somalia ayaa intooda badan waxay degan yihiin, oo ay ka howlgalaan saldhiga Ballidoogle, halkaasi waxaa sidoo kale la degan ciidamada dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa DANAB, oo ay iyagu tababareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM