Weerar madaafiic ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo waramayaa inay madaafiic ku garaaceen xaafado ka tirsan degaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Duqeyntan ayaa ka dambeysay markii Rag hubeysan oo looga shakisan yahay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin ay weerareen Saldhiga AMISOM ee tuuladda Arbacow oo ka tirsan degaanka Ceelasha Biyaha.

Ma cadda hadii uu jiro khasaaraha kasoo gaaray dadka rayidka ah duqaynta ciidamadda Midowga Afrika, oo inta badan ay ku jawaabaan marka ay la kulmaan weerar culus, oo uga yimaada dhanka Al-Shabaab.

"Waxaan maqalnay tiro Hoobiyeyaal ah oo kusoo dhacday xafaado ka tirsan degaanka Ceelasha, taasoo ka dambeysay markii la weeraray Saldhiga AMISOM ee Arbacow," qof kamid ah dadka degaanka ayaa sidaas yiri.

Taliska AMISOM wali wax war kama uusan soo saarin weerarka, iyadoo xiriiro uu la sameeyay Warsidaha Garowe Online, xafiiskiisa Muqdisho aysan ka jawaabin.

Weerarka iyo duqaynta ayaa kusoo beegmaysa xili xalay oo Axad ahayd ay Al-Shabaab weerar culus ay ku qaadeen fariisin ay ciidamadda dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Falalkaan ayaa waxay imaanayaa iyadoo magaaladda Muqdisho uu ka socdo qorshayaal isbedalo kala duwan loogu sameynayo amniga caasimadda, kadib markii uu fashil ku yimid qorshihii xasilinta ee xafiiska Ra'iisul Wasaare Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM