Weerar qarax ku bilowday oo ka dhacay gobolka Mudug

Image
Labada dhinac - ciidanka dowlada iyo Al-Shabaab - ayaa guulo ka kala sheegtay dhacdadan. [File photo]

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar ay Talaadada maanta ah  Al-Shabaab ku qaadey Saldhiga degaanka Camaara ee Koonfurta gobolka Mudug.

Taliyeyaasha Ciidanka xoogga qeybta 21 ayaa sheegay inay khasaaro garsiiyeen dagaalyahanadii weerarka kusoo qaadey, iyagoo aan shaacin tirada ay dileen ama ay dhaawaceen.

Al-Shabaab dhankeeda guulo ayay ka sheegatay weerarka oo qarax Gaari ku billowday, kadibna uu xigay dagaal fool-ka-fool ah. Warbaahinta ku hadasha afkteeda waxay xuseen in ay qabsadeen degaanka.

Bilooyinkii lasoo dhaafay, ciidamada Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah maleyshiyada Al-Shabaab kawaday degaanada gobolka Mudug halkaasoo maleyshiyada Al-Shabaab joogitaan culus ay ku leedahay.

Intii howlgalku socday, saraakiisha waxay soo wariyeen in ciidanku la kulmay iska caabin kaga imaanaya dagaalameyaasha hubeysan halkaasna uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac - labada dhinac.

Hase ahaatee, illaa haatan ma jirto cid tirokoob rasmi ah ku sameysay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay isku-dhacaas. Fahfaahinta kaliya ee banaanka taala waxaa lagu sheegay in ay xoreeyeen dhul balaaran.

Howlgalkan oo aysan qeyb ka ahayn ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kusoo aaday iyaddoo muddo xileedka taliska uu dhamaad yahay iyo waddanka uu galaya doorashooyina federaalka oo xasaasiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM