Weerar qarax oo lala beegsaday ciidamada dalka Kenya

Image

MANDHEERA, Kenya- Labo Qarax ayaa ciidamo ka tirsan  militariga dowladda Kenya waxaa lagula eegtay inta u dhaxayso magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera gobolka woqooyi bari ee dalkaas.

Wariya ku sugan Beled-Xaawo ayas GO u xaqiijiyay weerarka, kaasi oo loo adeegsaday Miinooyin dhulka lagu aaso.

Ciidamada qaraxaan haleeley ayaa ilaalo ka ahaa dueleedka magaalada Mandheera.

 "Qaraxyada waxay ahaayeen Labo, waxaana lagu weeraray ciidamo Kenya ah oo howlgallo amni ka samaynayay meel ku dhaw Mandheera, gaar ahaan dhanka xigta xadka Somalia, wali lama oga Khasaaraha," ayuu yiri wariyahaas .

Ma jirto cid ama koox sheegatay mas'uuliyada weerarkaas, balse gobolka woqooyi  Bari ee Kenya ayaa waxaa la degay Weeraro ay geysanayaan Al Shabaab wixii ka danbeeyay markii ay ciidamada Kenya soo galeen Somalia October, 2011.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM