Weerar toos ah iyo madaafiic lagu ekeeyay Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaal la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay weerar toos ah iyo madaafiic ku ekeeyeen caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in 13 hoobiye ay ku dhaceen qaybo kamid ah magaaladan uu shirka uga socdo hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo maamuladda wadanka.

Dableyda xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida iyo ciidamadda sugaya ammaanka magaaladda ayaa la sheegay in uu dhexmaray iska-hor-imaad culus daqiiqado kadib weerarka madaafiicda.

"Xaaladda haatan waa mid degan. Dagaalameyaashii Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaadey kontaroolka laga ilaaliyo ammaanka magaaladda dib ayaa loo celiyey," ayay sheegeen saraakiisha la hadashay bogga GO.

Waa markii labaad oo todobaadkan gudahiisa ay Al-Shabaab weerar noocaan ah ka fuliso caasimadda Galmudug oo madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyey in shirka lagu qabto xilli amni daradeeda ay aad u sareysay.

Ugu yaraan afar qof oo midkood uu yahay askari boolis ayaa ku dhaawacmay markii 4-tii bishaan Febraayo ay sidaan oo kale Al-Shabaab ku dhowaad tobban madfac ku garaaceen qaybo kamid ah magaaladda Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb ayaa kamid ahayd magaalooyinka ugu ammaanka wanaagsan Galmudug kahor inta aan la dooran Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] oo ku yimid rabitaanka dowladda Farmaajo oo haatan uu daacad u yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM