Weerarkii Hotel Naaso Hablood 2 oo lasoo afjaray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in lasoo afjaray weerarkii Hotel Naaso Hablood 2, kaasi oo soo billowday shalay gelinkii dambe.

Weerarkan ayaa ku billowday labo qarax oo ka dhacay afaafka hore, kuwaasi oo irida ku furteen rag hubaysan oo gudaha u galay dhisamaha, kana dhex-dagaalamay tan iyo xalay saqdii dhexe.

Dableyda galay Hotel-ka waxaa lagu qiyaasay ilaa 5 nin oo aad u hubaysan, waxaana ay ku dhex toogteen gudaha ugu yaraan 15 qof oo ay ku jireen mas'uuliyiin sare oo katirsanaa dowladda iyo maamul goboleedyada.

Afhayeenka Wasaradda Amniga Soomaaliya, Cabdicasiis Xildhibaan oo Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen saddex kamid ah dagaalyahanada, halka labadii kale la dilay inta uu socda howlgalka.

Wuxuu kaloo tilmaamay Afhayeenku in Howlgalkii xalay lagu soo badbaadiyay dad badan, oo mas'uuliyiin iyo wasiirro ku jireen.

Dadka lagu dilay weerarka waxaa kamid ah Xildhibaan hore Cabdinaasir Gaarane, Wasiirkii Arrimaha Gudaha Madoobe Nuunow Maxamed, iyo Taliyihii Ciidamada Booliska degmada Deyniile Colonel Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax). Halkan ka akhri.

Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyidda weerarka, iyadoo dhanka kale Madaxweyne Farmaajo uu cambaareeyay masiibadan, oo uu ku tilmaamay mid la doonayay in lagu cabsi geliyay shacabka u midoobay falalka argagaxiso ee Kooxdan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarada noocan ah aysan marba niyab-jebin doonin dowladiisa iyo qorshiyaasha Military ee ay doonayso inay Al Shabaab uga sifeyso guud ahaan dalka. Halkan ka akhri. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM