​Weerarro ka dhacay Kismayo iyo Baladweyne

Image

KISMAYO, Somalia- Ugu yaraan 2 Askari oo katirsanaa ciidamada Jubbaland ayaa ku dhimatay, 5 kalena way ku dhaawacmeen 4 Qarax oo ka dhacay magaalada Kismaayo, ee xarunta Jubbada Hoose.

Qaraxyada oo ahaa Bambaanooyinka gacanta laga tuuray, ayaa lagu weeraray Saldhigyo ciidamada Jubbaland ku leeyiin Xaafadaha Dalcadda iyo Calanleey, sida dadka deegaan u xaqiijiyeen Garowe Online.

Al shabaab ayaa sheegtay mas'uuluyadda Qaraxyada Kismaayo, oo ay tilmaameen inay la beegsadeen ciidamada Jubbaland, islamarkaana ay ka dileen labo Askari.

Dhinaca kale qarax shalay ka dhacay xaafadda Guulwade, ayaa waxaa kuu dhaawacmay 3 Askari, kadib markii lagu weeraray Bam gacmeed.

Saldhigga, waxaa daganaa ciidamada Nabad sugidda Jubbaland.

Qaraxyada dhacay, ayaa lagu soo beegay xilli Kismaayo ay ka socoto soo xulista Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub ee loo dhisayo Soomaaliya.

Warar kale oo soo gaaray Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan, hoobiyaal lagu weeraray saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo kasocda Dalka Jabuuti oo qayb ka ah AMISOM.

Sarkaal katirsan Booliska Beledweyne, ayaa GO uu sheegay in Al Shabaab 7 Madfac ku tuureen saldhiga ciidamada Jabuuti ee Xaafada Howlwadaag, kuwaasi oo aan geysan wax Khasaaro ah.

Weerarada Kooxda Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe isu badalay ku dhufo oo ka dhaqaaq, waxayna sare u qaadeen xilli dalka Somalia wajahayo doorashada madaxtinimo ee dhawaan dhici doonta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM