​Weerarro ka dhacay Kismayo iyo Baladweyne

Image

KISMAYO, Somalia- Ugu yaraan 2 Askari oo katirsanaa ciidamada Jubbaland ayaa ku dhimatay, 5 kalena way ku dhaawacmeen 4 Qarax oo ka dhacay magaalada Kismaayo, ee xarunta Jubbada Hoose.

Qaraxyada oo ahaa Bambaanooyinka gacanta laga tuuray, ayaa lagu weeraray Saldhigyo ciidamada Jubbaland ku leeyiin Xaafadaha Dalcadda iyo Calanleey, sida dadka deegaan u xaqiijiyeen Garowe Online.

Al shabaab ayaa sheegtay mas'uuluyadda Qaraxyada Kismaayo, oo ay tilmaameen inay la beegsadeen ciidamada Jubbaland, islamarkaana ay ka dileen labo Askari.

Dhinaca kale qarax shalay ka dhacay xaafadda Guulwade, ayaa waxaa kuu dhaawacmay 3 Askari, kadib markii lagu weeraray Bam gacmeed.

Saldhigga, waxaa daganaa ciidamada Nabad sugidda Jubbaland.

Qaraxyada dhacay, ayaa lagu soo beegay xilli Kismaayo ay ka socoto soo xulista Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub ee loo dhisayo Soomaaliya.

Warar kale oo soo gaaray Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan, hoobiyaal lagu weeraray saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo kasocda Dalka Jabuuti oo qayb ka ah AMISOM.

Sarkaal katirsan Booliska Beledweyne, ayaa GO uu sheegay in Al Shabaab 7 Madfac ku tuureen saldhiga ciidamada Jabuuti ee Xaafada Howlwadaag, kuwaasi oo aan geysan wax Khasaaro ah.

Weerarada Kooxda Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe isu badalay ku dhufo oo ka dhaqaaq, waxayna sare u qaadeen xilli dalka Somalia wajahayo doorashada madaxtinimo ee dhawaan dhici doonta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM