WHO oo balaarineysa taageerada ay siiso Jubaland

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’ada Caafimaadka aduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.

Waxaa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinayay Wasiirka iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga ah Mursal Maxamed Khaliif iyo wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada   Maxamed Ibrahim Ogle.

Kulanka waxaa lagaga hadlayay sidii WHO ay u balaarin lahayd tageerada dhinaca Caafimaadka ah isla markana la iskaga kaashan lahaa shaqooyinka baaxada leh ee Wasaarada Caafimaadka iyo WHO ay sida wadajirka ah u qabtaan.

Madaxtooyada Jubaland

Related Articles

Xasan Shiikh oo diidey xal ka gaarista xaaladda cakiran ee Soomaaliya; mucaaradka: Maxaa la gudboon?

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku adkeystay…

  • Soomaliya

    13-08-2025

  • 10:46PM

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM