Wiil uu dhalay marxuum Boqore oo kamid noqday Gollaha Shacabka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cadnaan, wiil uu dhalay Cismaan Cilmi Boqore, xildhibaankii ay Al-Shabaab ku dishay Muqdisho bishii Febraayo, ayaa maanta oo Talaado ah ku guuleystay kursiga uu ka geeriyooday aabihii.

Wiilkaan dhalinyaradda ah oo guusha ku helay 48 cod oo kamid ah 51 ergo oo coddeysay ayaa ka badiyay Axmed Cismaan Xaashi, kaasi oo isna ay u codeysay kaliya laba kamid ah cod-bixiyaasha.

Doorashada oo ka qabsoontay magaala madaxda Soomaaliya ayaa waxaa isku soo dabariday Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, iyada oo si toos ah looga baahiyay warbaahinta dowladda.

Sharcdejiyaha cusub, Mr Cadnaan, oo madasha lagu doortay ka hadlay, ayaa u mahad-celiyay dhamaan inta dooratay, isaga oo sheegay in uu ka shaqeyn doono danaha qaranka iyo difaaca wadanka.

Marxuum Boqore oo sidoo kale kamid ahaa Guddiga difaaca Gollaha Shacabka isla markaana kasoo mid noqday ciidanka xooga dalka ayaa 23-kii Febraayo lagu dilay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dableyda falka sameysay ayaa la sheegay in ay baxsatay balse laamaha amaanka waxay wacad ku mareen in ay soo qaban doonan kadib amar kasoo baxay madaxwayne Farmaajo.

Cadnaan oo ka gudoonsiiyay shaadahiisa Xildhibaanimo ayaa la filayaa in uu hortago Aqalka Hoose fadhiga ugu soo horeeyay halkaasi oo lagu dhaarin doono kahor inta uusan guda gelin gudasha waajibaadkiisa qaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM