Wafdi caalami ah oo ku wajahan caasimadaha maamul goboleedyada

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom iyo Wakiilka Midowga Afrika, Francisco Madeira, ayaa fahfaahin ka bixiyay kulan ay la qaateen gudoonka Aqalka Sare, oo khilaafka dalka ka jira looga hadlay.

Kulanka oo ka qabsoomay dhismaha Aqalka Sare ee Muqdisho shalay ayaa kamid ahaa xubnihii xaadirka ku ahayd Afhayeenka Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uga mahad-celiyay wafdiga sida ay u doonayaan in la xaliyo khilaafka taagan.

Haysom iyo Madeira oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka waxay daboolka ka qaaday in ujeedka kulankooda uu diiradda saarayey khilaafka maamulada iyo dowlada dhexe, si lamid ah doorka uu Aqalka Sare ka qaadanayo xalintiisa.

Si isku mid ah ayey codkooda ugu biiriyeen taageerada ay Beesha Caalamka u hayso doorka Aqalka Sare, waxayna shaaca ka qaadeen inay kala shaqayn doonaan sidii xal waara loogu gaari lahaa is-marin-waaga siyaasadeed ee daxaleystay.

Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo qudhiisa ka warbixiyay kulanka ayaa tibaaxay in madaxda ay sidoo kale isla soo qaadeen booqashooyin ay ku tagaan degaanada dowlad goboleedyadda si loo helo xal ku aadan muranka.

Maamulada iyo dowladda dhexe ayaa isku haya arrimo badan oo bud-dhig u ah; amniga, wadaaga kheyraad, fulinta heshiis hore iyo faragelin ay la sheegay dowladda Federaalka ay ku hayso arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM