Muxuu Aqalka sare ku diiday ka qaybgalka furitaanka Kalfadhiga 4aad?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilldhibaanadda Aqalka sarre ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay ka qaybgalka munaasabadda furitaanka Kalfadhiga afaraad ee Gollaha Shacabka, kaasoo maanta furmaya.

Madaxwaynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ka qaybgalaya furitaanka Kalfadhiga, kaasoo ay horyaalaan Ajandayaal kala duwan.

Farmaajo ayaa ka jeedin doono furitaanka Kalfadhiga afaraad Kalimo uu xooga ku saari doono xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaara ahaan Amniga iyo Siyaasadda.

Sababta Aqalka Sarre u diidey ka qaybgalka xafladda, ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan kuwasoo qaarkood u sheegeen GO in qodobka ugu weyn yahay cidda gudoonka qabaneysa inta uu socdo fadhiya Wadajir ka ah ee labada aqal iyadoo aqalka hoose ku adkeystey gudoonkooda iney wadayaan kulankaan inta lagu jiro furutaanka golayaashaan.

” Golaha fulinta gaar ahaan Villa Soomaaliya ayaa iska leh sababta keentey is-fahan waagaan, madaama ay ka jiro dareen Federaal diid ah,” sidaas waxaa GO u sheegey Senator ka tirsan aqalka sare dowlada Fedralka ah. 

Macluumaadka hoose ee uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Sharcidejiyaasha Aqalka Odayaasha ay ku balameen inay furtaan Kalfadhigooda afaraad maalinta Berri oo ah Talaado.

Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka oo ka kooban 54 xubin, ayaa wuxuu matalaa dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, balse dhanka saameynta siyaasadda waxaa uga xoog badan gollaha shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM