​X. Fiqi "Hadalkii Sh. Baaruud wuxuu halis galin karaan noloshada Xildhibaanada"

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, ayaa walaac ka muujiyay hadal dhawaan uu goob Xaflad ah ka sheegay Sheekh Nuur Baaruud oo kamid ah Culimada Somaliyeed.

Hadalkaas oo u dhacayay in Xildhibaanada Barlamanka Somalia ee wada mooshinka ay ka joojiyaa carqalada xukuumadda Farmaajo, hadii kalena goobahooda loogu tagayo islamarkaana lagu garaacayo, ayaa keentay in Fiqi uu ka muujiyo cabsi iyo arrin halis galinta karta noloshada golaha wakiillada.

"Hadalkii Sh. Nuur Baaruud habeen dhoweyd uu ka yiri akadeemiyadda Booliska ee isugu jiray kicinta, goodinta, nacayb abuurka iyo xaalad aan jirin abuurka kuna wajahnaa xildhibaanada labada gole ee dawladda Federaalka ah, wuxuu ahaa hadal gef ku ah barlamaanka dawladda federaalka ah, dastuurka dalka islamarkaana halis galinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan xildhibaanada," Ayuu yiri mudanahaasi.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay Facebook, Fiqi ayaa sheegay in Barlamanku kamid yahay saddex hay'adood ee ugu muhiimsan dowladda, sidaas darteed cidi mid kamida h taageerta kuwa kalana ka hortimaada ay tahay shakhsiyaad fushana dan gooni ah.

"Barlamaanka Dowladda Federaalka waa mid ka mid ah hey’adaha saddexda ah ee dawladda waana saldhigga dawladnimada, cidda hey’adaha dawladda midna soo dhoweysata midna diida waa cid ka soo horjeeda dawladnimada, waana kuwo maslaxadooda gaarka ah doonaya in ay fushadaan," Ayuu yiri Fiqi.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu qoraalkiisa ku daray, "Waxaa wax laga xumaado ah in madaxda sare ee dalku ay goobta waxaasi ka dhacayeen fadhiyeen, ayagoon wax fal celin ah arintaas ka dhihin, ayadii arintaasi aheyd hanjabaado toos ah oo halis galin kara nolosha xildhibaanada barlamaanka."

Xafladda hadalka dooda dhaliyay laga sheegay ayaa loogu qaaraamayay ciidamada dowladda Somalia, waxaana Guddi lagu magacaabay Sh. Baaruud looga dhigay Guddoomiye ku-xigeen.

Ilaa hadda arrintaas kama uusan Jawaabin mudane Baaruud oo kamid ah Culimada Somaliyeed ee sida tooska ah ula shaqeeya dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM