​Xaaf oo furay kal-fadhiga 5-aad Barlamanka Galmudug [Sawirro]

Image
Image
Image

CADAADO, Somalia - Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa maanta oo Sabti ah uga si rasmi ah u furay magaalada Cadaado, ee gobolka Galgaduud Kalfadhiga 5-aad, ee Barlamanka maamulka Galmudug, kadib markii Xildhibaanada kasoo laabteen Fasax Labo bilood ah. 

Xaaf oo ka hadlayay Xafladda furitaanka, oo ka dhacday Hoolka Baarlamaanka, ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inay labo jibbaaraan howlahooda sharci dejinta, si loo dardargeliyo shaqooyinka horyaalla maamulkiisa, xillig aan wali lasoo magacaabin Gollaha Wasiirada. 

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa kamid ahaa mas'uuliyiintii ka qeybgashay Munaasanada lagu furayay Kalfadhiga 5-aad ee Barlamanka, iyadoo amaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay saaka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Xaaf in Barlamanka looga fadhiyo meel-marinta dhowr Hindise sharciyeed, oo ay kamid yihiin Sharciga Canshuuraha, iyo Siyaasadda ay ku shaqeyn doonaan Wasiirada lasoo magacaabayo. 

Isagoo hadaliisa sii wato ayuu tilmaamaty Xaaf in dhawaan uu soo dhisi doonaan Golle Wasiiro, oo ay kasoo dhex-muuqaan doonaan Ahlu Sunna, oo hadda Wadahadal aan toos ahayn u socda. 

Madaxaweyne Xaaf, oo la caleema-saarey bishii May, ayaa lagu dhiliilay inuu qaadey wadadii Cabdikariin Guuleed, kadib markii uu batay maqnaashiyahiisa uu ka maqan yahay Xafiiskiisa shaqo ee Cadaado, iyadoo uu kasii dhamaanayo waqtiga uu kusoo dhisayo Xukuumadiisa.

Waxa uu maalinta berri ah kusii jeedaa Muqdishu, oo uu uga qeybgali doono Shir ay QM qabanayso oo looga hadlayo arrimaha bini'aadanimo ee dalka, oo abaartii ku dhifatay wali raadkeeda deegaano qaar ka muuqato. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM