​Xaaf oo furay kal-fadhiga 5-aad Barlamanka Galmudug [Sawirro]

Image
Image
Image

CADAADO, Somalia - Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa maanta oo Sabti ah uga si rasmi ah u furay magaalada Cadaado, ee gobolka Galgaduud Kalfadhiga 5-aad, ee Barlamanka maamulka Galmudug, kadib markii Xildhibaanada kasoo laabteen Fasax Labo bilood ah. 

Xaaf oo ka hadlayay Xafladda furitaanka, oo ka dhacday Hoolka Baarlamaanka, ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inay labo jibbaaraan howlahooda sharci dejinta, si loo dardargeliyo shaqooyinka horyaalla maamulkiisa, xillig aan wali lasoo magacaabin Gollaha Wasiirada. 

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa kamid ahaa mas'uuliyiintii ka qeybgashay Munaasanada lagu furayay Kalfadhiga 5-aad ee Barlamanka, iyadoo amaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay saaka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Xaaf in Barlamanka looga fadhiyo meel-marinta dhowr Hindise sharciyeed, oo ay kamid yihiin Sharciga Canshuuraha, iyo Siyaasadda ay ku shaqeyn doonaan Wasiirada lasoo magacaabayo. 

Isagoo hadaliisa sii wato ayuu tilmaamaty Xaaf in dhawaan uu soo dhisi doonaan Golle Wasiiro, oo ay kasoo dhex-muuqaan doonaan Ahlu Sunna, oo hadda Wadahadal aan toos ahayn u socda. 

Madaxaweyne Xaaf, oo la caleema-saarey bishii May, ayaa lagu dhiliilay inuu qaadey wadadii Cabdikariin Guuleed, kadib markii uu batay maqnaashiyahiisa uu ka maqan yahay Xafiiskiisa shaqo ee Cadaado, iyadoo uu kasii dhamaanayo waqtiga uu kusoo dhisayo Xukuumadiisa.

Waxa uu maalinta berri ah kusii jeedaa Muqdishu, oo uu uga qeybgali doono Shir ay QM qabanayso oo looga hadlayo arrimaha bini'aadanimo ee dalka, oo abaartii ku dhifatay wali raadkeeda deegaano qaar ka muuqato. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM