Xaaf oo ka hadlay khilaafka Villa Somalia iyo Dowlad Goboleedyada

Image

GAALKACYO, Somalia - Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa maanta gaarey magaalada Galkacayo, markii uu saaka kasoo kicitamay Garowe, oo uu kaga qaybgalay caleema saarka madaxda cusub ee Puntland.

Munaasabada oo kulmisay hogaamiyaasha maamul goboleedyada iyo kuwii hore ee wadanka soo maray ayaa waxay fursad unoqotay inay isku soo dhawadaan, iyaga oo yeeshay kulamo xasaasi ah.

Xaaf oo wariyaasha kula hadlay caasimad goboleedka Mudug ayaa daboolka ka qaaday in kulamadaas oo diirada lagu saarey khilaafaadka dalka ka jiray is-fahan laga gaarey, islamarkaana loo balamay shir kale.

"Shirka wuxuu ahaa mid kheyr qabay..waxaana lagu daaweeyay waxyaabo badan…inaga waxaan kamid ahayn maamuladii dowlada dhexe wax ka tabanayay," ayuu Madaxwaynuhu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu kalsooni xoogan ka muujiyay in shirka 20-ka bisha Maarso ee sanadkaan la filayo in lagu qabto xarunta gobolka Nugaal lagu soo xaliyo kala ir-dhowga siyaasadeed ee jira.

Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha Galmudug ayaa uga mahad-celiyay Madaxwaynaha DPL, Saciid Cabdullaahi Deni sida uu ugu dhiiraday inuu meel kuwada kulan-siiyo madaxda Soomaaliyeed oo is-khilaafsanaa.

Deni oo la doortay 8-dii bishaan Janaayo kadib coddeyn cadaalad, daah-furan, xor iyo xalaal ahayd ayaa balanqaaday inuu ka shaqayn doono isku-keenida dadka Soomaaliyeed, isaga oo meesha ka saarey inuu qayb ka noqonayo khilaafka taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM