​Xaaf oo ka hadlay Xilka qaadistiisa [Dhageyso]

Image

CADAADO, Somaaliya - Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa ka hadlay Xilka qaadistii shalay ay ku sameeyeen Xildhibaanno katirsan maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in sida uu qabo Dastuurka Galmudug, Madaxweyne aan xilka laga qaadi karin isagoo Xafiiska jooga wax ka yar Mudo Lix bilood ah.

Wuxuu intaasi ku daray in xilka ka qaadist la sheegay in lagu sameeyay ay tahay Fowdo Siyaasadeed, oo laga dhex-abuurayo maamulka Galmudug, taasi oo laga soo abaabulay sida uu sheegay Muqdisho.

Xaaf ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Cali Cagal Casir, in laga soo diray Muqdisho, si uu u sameeyay wixii ka dhacay HirShabeelle, ee Xildhibaanada xilka uga qaadeen Cali Cabdullaahi Cosoble.

"Waxa shiray waxay ahaayeen 10 Xildhibaan, oo Xaafad ku kulmay, awood Dastuuri ah uma lahan inay xilka iga qaadaan," ayuu yiri Xaaf.

Lama oga sharciyada go'aanka Xildhibaanada waxaa uu noqon doono, maadaama Gudoomiyihii Baarlamaanka uu xabsi guri ku jiro, sidoo kalena Madaxweyne Xaaf sheegay isagoo aan gaarin mudada xil-heyntiisa Lix bilood.

Waxa uu rajo ka muujiyay xil laga gaaro Khilaafka ka taagan Galmudug, oo uu tilmaamay in Xildhibaano ka socda Baarlamaanka Somaaliya ay kusoo wahaan yihiin Cadaado, si xiisad taagan loo demiyo.

Hadalka Xaaf ayaa kusoo beegmaya, xilli shalay 52 Xildhibaan oo ku shiray Cadaado ay shaaciyeen inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha, oo ay ku eedeeyeen inuu hareer maray Dastuurka mamaulkaasi.

Galmudug Khilaafkeeda ayaa salka ku haya go'aankii Xaaf uu dhawaan kula saftay Xulufada Sacuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM