Xaaf oo kalsoonida kala noqday Villa Soomaaliya kuna dhawaaqaya guddi

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa ku dhawaaqay in uu ka laabtay kalsoonidii uu dowladda federaalka ugu wareejiyay in ay maamusho doorashadda Galmudug.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed xafiiska Xaaf kasoo baxay, go'aankan ayaa ka dambeeyay markii xukuumadda aysan dhaqan-gelin is-afgaradyo horey u dhexmaray labadda dhinac.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaa lagu xusay in uu Xaaf soo magacaabi doono Guddiga ka shaqeynaya Doorashooyinka iyo dib u hesiisiinta dowlad goboleedka Galmudug.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM