Xaaf oo shir ka furay Caabud-waaq

Image

CAABUDWAAQ, Somalia - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Shir dib u heshiisiin ah ka furey magaalada Caabudwaaq, kaasi oo lagu xalinayo colaadda Galgaduud.

Shirkaasi Nabadeed, ayaa waxaa la isagu keenay Odayaasha dhaqanka gobolka, waxaana ujeedkiisu yahay daminta Colaad ka dhex-taagan Beelo Wallaalo ah oo wada dega Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Beellaha dirirta u dhaxaysa inay ka heshiiyaan Khilaafka keenay gacan-ka-hadalka, islamarkaana laga shaqeeyo Nabada gobolka, oo abaar iyo colaad isagu darsantay.

Isagaa ka hadlayay furitaanka Shirka, ayaa wuxuu sheegay Madaxaweynaha in maamulkiisa uu ahmiyada kowaad siinayo dib u heshiisiinta, soo celinta Nabada, iyo mideynta shacabka ku dhaqan Galmudug.

Madaxweynaha iyo Wafdi uu hogaaminayo, oo uu kamid yahay ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey,  ayaa shalay gaarey degmada Caabuwaaq markii ugu horeysay tan iyo Doorashadiisa 3-dii May.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM