Xaaf oo shir ka furay Caabud-waaq

Image

CAABUDWAAQ, Somalia - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Shir dib u heshiisiin ah ka furey magaalada Caabudwaaq, kaasi oo lagu xalinayo colaadda Galgaduud.

Shirkaasi Nabadeed, ayaa waxaa la isagu keenay Odayaasha dhaqanka gobolka, waxaana ujeedkiisu yahay daminta Colaad ka dhex-taagan Beelo Wallaalo ah oo wada dega Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Beellaha dirirta u dhaxaysa inay ka heshiiyaan Khilaafka keenay gacan-ka-hadalka, islamarkaana laga shaqeeyo Nabada gobolka, oo abaar iyo colaad isagu darsantay.

Isagaa ka hadlayay furitaanka Shirka, ayaa wuxuu sheegay Madaxaweynaha in maamulkiisa uu ahmiyada kowaad siinayo dib u heshiisiinta, soo celinta Nabada, iyo mideynta shacabka ku dhaqan Galmudug.

Madaxweynaha iyo Wafdi uu hogaaminayo, oo uu kamid yahay ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey,  ayaa shalay gaarey degmada Caabuwaaq markii ugu horeysay tan iyo Doorashadiisa 3-dii May.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM