Xaaf oo shuruud ku xiray in uu aqbalo dalabka DF ee doorashada Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Magaalada Dhuusamareeb waxaa kusoo idlaaday shir u dhaxeeyay dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug.

Shirkaasi ayaa dhex-maray wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo hogaanka dowlad goboleedka ay is-khilaafsan yihiin madaxdiisa.

Qodobka ugu wayn ee wadahadalka ayaa ahaa doorashada madaxtinimada maamulka Galmudug oo is-qabqabsi uu ka taagan yahay.

Xukuumada Farmaajo ayaa dooneysa in ay qabsoonto bisha Julaayo, halka maamulka Xaaf uu rabo in ay dhacdo sanadka 2020-ka.

Dowlada dhexe ayaa ku doodeysa in taariikhda ay dooneyso uu dhigayo dastuurka uuna badal ku yimid Madaxwayne Xaaf.

Dhinaciisa Xaaf oo qirsan in uu badal ku yimid kadib is-casilaadii Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku adkeysanaya in uu afar sano xilka haynayo.

Dadka sida dhow ula socda arrintaan ayaa aaminsan in labada garab ay kala shiksan yihiin – Dowladda waxaa la sheegay in ay rabto ay ka takhlusto Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo ka biyo diidan arrinkaasi.

Wadaxaajoodyo la doonayay in xal loogu kala aragti duwanaanshiyahaasi, oo shalay ka qabsoomay xarunta gobolka Galgaduud, ayaa soo gabagaboobay iyada oo aanan heshiis la gaarin.

Illo ku dhow labada dhinac ayaa sheegay in Xaaf uu hordhigay wasiir Maxamed Cabdi Sabriye shuruudo ay kamid tahay in dowladda ay balanqaado in aysan faragelin doonin cod-bixinta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxwaynaha Galmudug uu la yimid shirka qodobo ay kamid yihiin in xukuumada aysan u soo dirsan doorashada musharax ay dooneyso in uu kusoo baxo.

Wasiir Sabriye oo la sheegay in uusan marka hore wadan qorshe oo ay ku raacsan yihiin madaxda dowladda dhexe ayaa dib ugu soo laabtay caasimada dalka si uu ula wadaago hogaanka Madaxtooyadda.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay horey u kala qaybisay Galmudug oo haatan ku kala shaqeeya Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ay joogaan madaxwayne ku xigeenkii iyo afhayeenka baarlamaanka, daacadna u ah dowlada dhexe.

Dowladda Farmaajo oo ku fashilantay sugida amniga wadanka, dagaalka Al-Shabaab iyo mushaarka ciidamada ayaa ku mashquushay siyaasada iyo doorashooyinka maamulada si ay ugu soo baxaan xubno ku feker ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM