Xaalad Deg Deg ah oo lagu soo rogay ​Galmudug 'Akhri'

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa Xaalad deg deg ah kusoo rogay guud ahaan deegaanada maamulka Galmudug, kadib markii maaro loo waayay Khilaafka taagan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagii shaaciyay in 3 bilood, oo Xaalad deg deg ah lagu soo rogay Galmudug, taasi oo dhaqan-galkeeda, ka billaabanyso Maanta, 1-da October.

Go'aanka ayaa yimid, sida ku xusna Warqada kadib soo jeedinta Gollaha Wasiirada, oo ka codsadayy Madaxweynaha inuu qaado tallaabooyin lagu xoojinayo amniga, iyo in looga hortagayo dadka isku dayaya inay maamulkiisa afgenbiyaan.

Ciidamada amniga Galmudug, ayaa lagu amray inay fuliyaan amarka Madaxweynaha, islamarkaana ay adkeeyaan xasiloonida deegaanada maamulkaasi uu ka arrimiyo, oo hadda Xiisado ay ka taagan yihiin.

 Xaaladdan deg dega ah waxay kusoo beegmaysaa, iyadoo uu sii xoogaysanayo Khilaafka Xaaf kala dhaxeeya Gudoomiyaha Baarlamaanka, Cali Cagal Casir iyo ku xigeenkiisa, Maxamed Xaashi Carabeey.

Siyaasiyiin uu kamid yahay Axmed Shariif, oo taageero ka haysta Mas'uuliyiin iyo Xildhibaanno heer Federaalka ah, ayaa lagu soo waramayaa inay wadaan dhaq-dhaqaaqyo meesha looga saarayo Xaaf.

Waxaa ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Cadaado Kulamo iska soo horjeeda, oo Xildhibaano kasoo saareen go'aanno ay sheegeen inay xilalkii uga qaadeen Madaxda sare, ee Khilaafka uu u dhaxeeyo.

Hoos ka akhriso Wareegtada Xaaf:

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM