Xaashi oo huriyey khilaafka guddiga doorashada Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu biyo kulul wuxuu ku shubay is-mari-waaga ka taagan guddiga doorashooyinka goboladda waqooyi.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa wacad ku maray in aysan marnaba aqoonsan doonin guddiga doorashooyinka Somaliland ee guddoonka ku doortey magaala madaxda Muqdisho todobaadkan aan ku jirno.

Sida laga soo xigtay Xaashi, xubnaha kamidka ah guddigaas guddoonka halka dhinac doortey waxaa soo xushay madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo badankoodana waa taageereyaashiisa.

"Xubnaha Komishanka DoorashooyinkaSomaliland waxaa soo xushay Farmaajo dhamaantoodna waa taageerayaashiisa. Uma dulqaadan doonno kooxdan aan dhexdhexaadka ahayn inay hormuud ka noqdaan doorashada xildhibaanada waqooyiga," ayuu yiri Xaashi.

Guddiga doorashooyinka gobolada waqooyi ayaa haatan kala qeybsan. Siyaasiyiinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho waxay ku kala qeybsameen qadiyaddan ayaga oo la kala saftey labadda dhinac.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa la filayaa in uu farageliyo qaddiyadan oo haddii aan si deg-deg ah xal looga gaarin dib-u-dhac kale ku keeni karta doorashooyinka la qorsheeyay in ay dhacaan dhowaan.

Daahitaanka ugu badan waxaa laga cabsi qabaa in ay ku timaado doorashooyinka Aqalka Sare taasoo jadwalku xeerinayo in ay bilaabato 25-ka bisha Julaayo, 2021 taasoo haatan ay naga xigto kaliya 11 casho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM