Xafiiska Khayre oo la wareegay diiwaan-gelinta Ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si buuxda ula wareegay maamulida diiwaan-gelinta ciidanka, sidda uu ogaaday warsidaha Garowe Online.

Wasaaradaha Maaliyadda, Amniga Gudaha ayaa Holwadeenada xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ku wehli doonan shaqada oo socota tan iyo bilowgga sanadkii hore.

Tani ayaa loo sababay markii xafiiska madaxwayne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku guuldareystay arrinkaasi, inkasta oo ay ugu yaraan gaarsiiyeen howsha meel wanaagsan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Khayre uu isaga codsaday in lagu soo wareejiyo maamulka diiwaan-gelinta ciidamada oo qayb ka ah dib u habayn lagu sameynayo hay’addaha amaanka.

Khayre oo ay xukuumadiisa ku fashilantay sugida amniga caasimada ayaa xafiiskiisa waxa uu horey u maamulayay mashruuca lagu dhisay ciidamada xasilinta caasimada.

Ciidanka Xasilinta oo loo aas-aasay Ramadaantii lasoo dhaafay ayaa markii ay ku guuldareysteen adkaynta nabad-galyada Muqdisho waxaa iyaga iyo NISA lagu biiriyay taliska Booliska.

Sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxday xukuumadda, illaa iyo haatan waxaa la diiwaan-geliyay in ka badan saddex kun, iyada oo wadarta guud ee ciidamada lagu sheegay 15-kun.

Ra'iisul Wasaare Khayre oo dhowaan u socdaalaya Mareykanka ayaa la filayaa in uu arrimaha diiwaan-gelinta ciidanka iyo halka ay wax marayaan uga warbixiyo beesha caalamka.

Diiwaan-gelinta Ciidanka oo su'aallo badan laga keenay ayaa sababtay in ay bilooyin mushahar waayaan xoogaga dowlada, taasoo keentay in ay soo faarujiyaan aagaga difaaca.

Dowladda ayaa ku doodeysa in ay uga gon-leedahay arrintaan si ay u hubiso in askarta ay helaan xuquuqdooda, maadaama ay sheegtay in haatan ay jiraan magacyo laga been abuurtay.

Dowladaha Imaaraadka, Mareykanka, Turkiga iyo kuwa kale ayaa horey u bixin jiray mushaarka ciidanka, balse waa ay joojiyeen markii ay soo baxeen musuq-maasuq baahsan oo ka dhex-jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM