Xafiisyadda Farmaajo iyo Rooble oo isku khilaafay banaabaxa Jimcaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar hoose oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Rooble ay ku kala aragti duwanaadeen banaanbaxa mucaaradka ee la filayo inuu ka dhacay saacadaha soo socda Daljirka Dahsoon.

Xafiiska Rooble ayaa soo jeediyay in Mucaaradka loo ogolaado inay qabsadaan banaanbaxa, islamarkaana dowladda ay amaanka sugto, laakiin soo-jeedintaas waxaa diiday Xafiiska Farmaajo.

War-Saxaafadeedka xafiiska Ra'iisul Wasaaraha soo saari lahaa xitaa waxaa la sheegay in lagu amray inuu dib u dhigo ama joojiyo gebi ahaanba, waxaana arintaas ka dhalatay khilaaf cusub oo madaxda sare soo kala dhexgalay.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in Rooble uu ergo u diray Mushariixinta, kuwaasoo ay hogaaminayaan Senator Cabdi Qeybdiid iyo Wasiirka Waxbarashadda C/llaahi Carab oo ku hun-goobay wadahadalkii ay la yeesheen Mucaaradka.

Xaaladda Muqdisho ayaa cakiran, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal dhaco, maadaama labo Ciidan ay isku horfadhiyaan Daljirka Dahsoon oo Ciidanka Haramcad ay doonayaan inay kala wareegaan kuwa uu wato Indha-Cadde oo hogaaminaya Ciidanka Musharixiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM