Xamse oo Qiray Faragelinta Villa Somalia ee Arrimaha Gudaha Puntland

Image

Muqdisho (GO) -  Raysalwasaaraha muddo dhaafka ah Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qaybgalay munaasabad xariga looga jarayay xarun cusub oo lagu soo kordhiyay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya, ayaa weerar afka ah ku qaaday maamul aanu magaciisa xusun. RW Xamse ayaa yidhi, "[Somaliland] kuwo aamusan oo ka daran ayaa jira, iyaga reer Waqooyi ayaa la yidhaahdaa oo waxay rabaan waa iska sheegtaan. Laakiin kuwo aan ahayn ayaa jira oo kala go' ka xun oo cuqdadaysan oo shiyeeyaysan oo ka qaab daran oo dalkaan kula dhex jira."

Waxa uu hadalka ku sii daray, "Waxaan u baahannahay in dadka Soomaaliyeed ay toosaan. Dawladda Soomaaliya ayaa shisheeye laga dhigay oo loo akhrinayaa dawlad shisheeye, haddii ay Afgooye tagto la dhahayo dawladdii Soomaaliyaa na farogalisay. Goormay noqotay farogalin in dawladda Soomaaliyeed ay dalkeeda adeeg gayso, qof Soomaali ah shaqaalaysiiso, booqato oo u tagto."

Hadalka raysalwasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli ay Dawladda Federaalku faragalin ku hayso qaar ka mid ah maamullada federaalka, si gaar ahna dawladda Puntland oo ay ka qoranayso ciidamo sharci darro ah oo aan la ogaysiin dawladda Puntland, khalkhalna lagu galinayo xaaladda guud ee dalka.

Hadalkaan ayaa dadka siyaasada falanqeeya ku tilmaameen inuu yahay tilmaan cad oo muujineysa faragalinta Villa Somalia ku hayso Puntland. 

Dhanka kale, Wasiiru Dawlaha Madaxtooya Cabdifataax Cabdinuur oo ka falcelinaya hadalka Raysalwasaaraha ayaa yidhi, "Xamse waa laga dhex hadlay, laakiin ha ogaado sida uu la-hayste u yahay Puntland & Jubbaland ma noqonayaan la-haystayaal."

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM