Xamza oo Kenya ka billaabey kulamo ku saabsan xiisadda kala dhaxaysa Axmed Madoobe 

Image

NAIROBI, Kenya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa hadda ku sugan dalka Kenya, isagoo kulamo albaabada u xiran yihiin la qaatay mas'uuliyiin kala duwan, oo uu kamid yahay Agaasimaha Guud ee Sirdoonka dalkaasi NIS, Nuuradiin Yuusuf Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka difaaca Kenya.

Wararka Garowe Online helay waxay sheegayaan in wada-xaajoodku uu salka ku hayo xaaladda kacsan ee Jubaland. Kenya ayaa la sheegay in ay ku boorisay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Raaskambooni, isla markaana ay joojiso in ay ciidamo dheeraad ah geyso Jubaland.

Kenya ayaa ka cabsi qabta in khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland uu fursado u abuuro Al-Shabaab oo khatar weyn ku ah ammaanka gobolka.

Xamza iyo Xasan Sheekh ayaa waydiistay Kenya inay kala hadasho Axmed Madoobe oo hadda furka tuurtay, islamarkaana xiriirka u jaray Villa Somalia, iyadoo laga cabsi qabo dagaal inuu Ciidanka Jubaland iyo kuwa dowladda ku dhexmaro Gobolka Jubada Hoose.

Kenya waxaa Ciidan ka joogaa Kismaayo, Afmadow, Dhoobley iyo meelo kale oo Jubaland katirsan, waxaana ay si dhaw ula shaqeeyaan maamulka Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM