Xamza oo Kenya ka billaabey kulamo ku saabsan xiisadda kala dhaxaysa Axmed Madoobe 

Image

NAIROBI, Kenya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa hadda ku sugan dalka Kenya, isagoo kulamo albaabada u xiran yihiin la qaatay mas'uuliyiin kala duwan, oo uu kamid yahay Agaasimaha Guud ee Sirdoonka dalkaasi NIS, Nuuradiin Yuusuf Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka difaaca Kenya.

Wararka Garowe Online helay waxay sheegayaan in wada-xaajoodku uu salka ku hayo xaaladda kacsan ee Jubaland. Kenya ayaa la sheegay in ay ku boorisay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Raaskambooni, isla markaana ay joojiso in ay ciidamo dheeraad ah geyso Jubaland.

Kenya ayaa ka cabsi qabta in khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland uu fursado u abuuro Al-Shabaab oo khatar weyn ku ah ammaanka gobolka.

Xamza iyo Xasan Sheekh ayaa waydiistay Kenya inay kala hadasho Axmed Madoobe oo hadda furka tuurtay, islamarkaana xiriirka u jaray Villa Somalia, iyadoo laga cabsi qabo dagaal inuu Ciidanka Jubaland iyo kuwa dowladda ku dhexmaro Gobolka Jubada Hoose.

Kenya waxaa Ciidan ka joogaa Kismaayo, Afmadow, Dhoobley iyo meelo kale oo Jubaland katirsan, waxaana ay si dhaw ula shaqeeyaan maamulka Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ciidamo cusub u diraya Baydhabo si ay u difaacaan Aadan Madoobe

Xoogagga mucaaradka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dhowr jeer weerarro ka geystay duleedka Baydhabo.

  • Soomaliya

    09-09-2026

  • 04:36PM

Xiisadda Koonfur Galbeed iyo eedeymaha loo jeediyay Turkiga

Turkigu wuxuu muddo dheer ka mid ahaa saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya, isagoo taageero ka geysta dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    08-09-2026

  • 06:24PM