Xasan Sheekh: Duqeynta Gedo siyaasad xumo ayaa keentay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqeymaha Kenya ka fulineyso Kenya ma jirto sabab loogu cudurdaari karo balse waxaa keentay siyaasad xumo xalkeeduna wuxuu ku jiraa hagaajinta siyaasada, sida uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya ayaa hadalkan ka dhawaajiyey xilli uu ka hadlayey aragti-wadaag uu warsidaha Garowe Online xalay ku martigeliyey ciwaankiisa mareegga Twitter-ka.

Dooda oo ay si toos ah uga qeybgaleen ku dhowaad kun qof oo isugu jira madax xil haysa, kuwa hore, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo muwaadiniin ayaa diirada lagu saarey dimuqraadiyadda iyo barnaamijka dowlad dhiska Soomaaliya.

Isaga oo ka jawaabaya su'aallo kaga timid mid kamid ah ka qeybgaleyaasha kuna saabsaneyd duqeymihii u dambeeyay ee rayidka ku dhinteen laguna eedeeyay askarta Kenya, Xasan ayaa xusay in ka hadal kaliya uusan xal waara ku imaan karin.

"Horey waan uga hadalnay, haddana waan ka hadleynaa. Laakiin, cambaareyn kaliya xal kuma imaanayo duqeymaha Gedo waxaa keenay waa siyaasad xumo. Siyaasado oo la hagaajiya ayuuna xalka ku jiraa," ayuu. dhawaajiyey Xasan.

Bishan June 3-deeda ayay ahayd markii duqeyn ka dhacay degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ay ku nafwaayeen dad isku qoys ahaa kuna jiraan caruur iyo hooyadood. Dowladda federaalka waxay falkaas ku eedeysay dhigeeda Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraal ay soo saartey waxay ku xustey in ay dacwad ka dhan ah Nairobi u gudbineyso falkaas. Hase ahaatee, waxaa eedeyntaas ka dambeysay isu-soo-dhowaanshiyo iyo dalabyo dib-u-furiada safaaradaha.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa cilaaqaadooda uu gaarey meeshii ugu hooseeyay afartii sano ee dalka uu madaxwayne ka ahaa Farmaajo kaasoo lagu eedeeyay in uu siyaasadda arrimaha dibadda ku lifaaqay danahiisa shaqsiga ah iyo ololihiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM