Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya
Muqdisho – Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka ay si adag uga soo horjeedo xiriir diblomaasiyadeed oo dhex mara Somaliland iyo Israa’iil. Wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda iyo aqoonsiga dowladaha ay yihiin awood dastuuri ah oo u gaar ah Dowladda Federaalka.
Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya aysan oggolaan doonin wax faragelin shisheeye ah oo ka dhacda dhulkeeda. Wuxuu sidoo kale yiri, "Israa’iil cagta masoo dhigi karto dhulka Soomaaliya amar la'aantayda."
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan taageerin tallaabo kasta oo horseedi karta xiriir diblomaasiyadeed oo ka baxsan mowqifka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu adkeeyay in dowladda ay weli ka go’an tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka, isla markaana ay diyaar u tahay wada-hadal dhab ah oo ku saabsan mustaqbalka xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in arrintan ay si toos ah u taabaneyso madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya, isagoo ku dooday in Israa’iil aysan wax faa’iido ah u lahayn shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynuhu wuxuu mar kale carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay weli qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana go’aannada la xiriira siyaasadda arrimaha dibadda, xiriirka diblomaasiyadeed iyo aqoonsiga dowladaha ay si buuxda u hoos yimaadaan Dowladda Federaalka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay muddo dheer la daalaa dhacaysay kala qaybsanaan siyaasadeed iyo bulsho, isla markaana ay hadda u baahan tahay aragti mideysan oo wax looga qabanayo caqabadaha amniga, horumarka iyo dib u dhiska dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo difaaca madaxbannaanida dalka.
Wuxuu xusay in halka sabab ee ugu weyn Israel aysan xiriir ula yeelan karin Soomaaliya inay tahay dhulka Falastiin inay xoog ku haysato.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay isa soo tarayaan wararka la xiriira dadaallo diblomaasiyadeed oo la sheegay inay Somaliland la leedahay Israa’iil, oo ay ku jiraan warar sheegaya in Somaliland ay qorsheynayso inay safaarad ka furato magaalada Qudus.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u diidday wararkaas iyo tallaabo kasta oo horseedi karta xiriir diblomaasiyadeed oo ka baxsan awooddeeda dastuuriga ah.
GAROWE ONLINE