Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatey wakiilada beesha caalamka u jooga dalka.

Kulankan ayaa looga hadlayey dar-dar gelinta hannaanka doorashada, dhameystirka dhismaha maamulka HirShabeelle iyo xiisadaha ka aloosan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa wakiilada beesha caalamka uga waramey horumarka laga sameeyay hannaanka doorashada, dadaalka xaqiijinta qoondada haweenka iyo in doorashada ay ku dhacdo waqtiga loogu talagaley.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wakiilada uga warbixiyey horumarka laga sameeyay dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan idin ku wargelinayaa in horumarka laga sameyeeyay dhismaha maamulka HirShabeelle ay ka tarjumeyso sida ay inooga go’an tahay hirgelinta nidaamka federaalka iyo baahinta xukunka. Maadaama dib u heshiisiintu ay tahay mid mar walba muhimadeeda leh, waxaan qabaa in cid walba oo ka maqan amaba wax tabaneysa ay ku biirto hannaanka socda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale uga waramay wakiilada beesha caalamka xiisadaha ka taagan magaalada Gaalkacyo iyo inay lagama maarmaan tahay in isla xisaabtan dhab ah lala yimaado, lagana shaqeeyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii sannadkii hore ay wada saxiixeen labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Dowlada Puntland ayaa warsaxafadeed kasoo baxay madaxtooyada ku eedeysay dowlada Federaalka Iney ku lug leedahay dagaalka ka socda magaalada Galkacayo.

Dhinaca kale wakiilada beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhoweeyay horumarka lagu tallaabsadey, iyagoo ku baaqay in la dhowro hannaanka doorashada, qoondada haweenka iyo jadwalka doorashada.

Wakiilada beesha caalamka ayaa dhanka kale soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyagoo ku baaqay in la xaqiijiyo in hanaankaasi uu noqdo mid loo wada dhan yahay.

Madaxweynaha dowlada Federaalka iyo Ra'isal waaaraha Somalia ayaa lagu eedeyey Iney dib u dhigis ku sameeynayaan doorashada Somalia islamarkaana yihiin musharaxiin u taagan xilkaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM