Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Image

MUQDISHO — Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baajiyey safar la qorsheeyey inuu toddobaadkan ku tago Ruushka, iyadoo ay isa soo tarayaan caqabadaha amni iyo cadaadiska siyaasadeed ee gudaha dalka.

Go’aanka ayaa yimid kaddib weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab ay Isniintii ka fulisay gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu dilay tobannaan askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya, sida uu sheegay saraal la hadlay Garowe Online.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Federaalka ay wajahdo caqabado dhinaca amniga ah iyo muran siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka iyo wada-hadallada mucaaradka.

Cadaadiska Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniintii booqasho hal maalin ah ku tegay Uganda, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Yoweri Museveni. Intii kulanka socday, Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu Kampala ka codsaday inay sii joogteyso ciidamadeeda ka howlgala Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo heshiis laba geesood ah.

Hase yeeshee, Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale. Waxa kale oo uu ku boorriyey madaxweynaha Soomaaliya inuu si degdeg ah wada-hadal ula furo mucaaradka, isaga oo ka digay in Uganda ay ciidamadeeda kala bixi karto Soomaaliya haddii aan taladaas la qaadan.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ciidamo badan ku biiriya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo taageera ciidamada dowladda dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Wada-hadallada mucaaradka

Cadaadiska siyaasadeed ayaa sidoo kale kusoo kordhay xilli Xasan Sheekh uu Axaddii habeenkii ku baaqay wada-hadal lala yeesho mucaaradka, ka hor safarkiisii Uganda. Sida ay sheegayso xogta, tallaabadan ayaa timid kaddib markii uu hore u diidanaa tanaasul laga sameeyo qodobada ugu muranka badan.

Madaxweynaha ayaa toddobaadkii hore mucaaradka iyo dhinacyada siyaasadeed ee kale ku casuumay shir wadatashi qaran oo la qorsheeyey inuu Muqdisho ka dhaco 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar 2026, kaas oo diiradda lagu saarayo khilaafka doorashooyinka federaalka.

Khilaafka ayaa la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo muranka ku saabsan muddo-xileedka hay’adaha dowladda, iyadoo mucaaradku ay dalbanayaan heshiis siyaasadeed oo lagu maareeyo marxaladda kala-guurka.

Baajinta safarka Ruushka ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda Federaalka ay isku dayayso inay wax ka qabato caqabadaha amni iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM