Xasan Sheekh oo bayaan gaar ah kasoo saarey shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa war-saxaafadeed u gooniya kasoo saarey wadahadalada doorashooyinka ee Muqdisho.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa soo dhaweeyay shirka, isaga oo adkeeyay in madaxda aysan kala tagin iyaga oo aan heshiis ka gaarin khilaafka taagan.

"Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa," ayuu ka dhawaajiyey.

Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in heshiis laga gaaro muranka doorashooyinka ay "muhiimad weyn ugu fadhiso Ummadda Soomaalieed iyo jiritaanka dowladnimadda".

Dhamaadka muddo xileedka hay'adaha dowliga ah ayuu tibaaxay "in ay khatar gelisay dal ayna keeni karto nabad-gelyo xumo". Wuxuu caddeeyay in ay halis gelisay arrimo ay ku jirto deyn cafinta.

"iyadda oo maanka lagu hayo xaaladdan ayaa waxaa lama huraan ah in shirka furmay uu si degdeg ah ku gaaro go'aano suurtagelinaya in muddo kooban uu dalka ku aado doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay hanaankeeda maamul si loo wada aqbalo natiijadda ka dhalata," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Xasan Sheekh.

Talaabada uu Xasan Sheekh sida gooniga ah isugu taagay kuna soo dhaweeyay shirka Muqdisho iyaddoo musharaxiintu horey u taageereen ayaa sawireysa calaamad in ay kusii siqayaa kala tag.

Hoos ka akhriso bayaanka Xasan Sheekh Maxamuud

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM